Ku saabsan HRAK
Inta ka akhri xubinimada iyo su'aalaha guud. Hadi aad rabtid in aad nala xariirtid message ka soo dir Mina Sidor mise taleefonka xiliga uu furanyahay na soo wac.
Ku soo dhawoow HRAK
Xaq waxaa u leedahay in aad xubin/ka mid noqotid HRAK hadii aad ka shaqeeysid Iswiidhan, shaqooyinkaan: casino, makhaayada cuntada, makhaayada shaaha, makhaayadaha xafladaha cuntada u sameeyo, dukaamada macmacaanka, hoteelada, bowling, shirkadaha bingo lagu ciyaaro, shirkadaha sameeyo duugis/massajada iyo shirkadaha madadaalada.
HRAK waxaa xubin ka noqon kartaa adiga oo shaqo la’aan ah, hadi eey shaqadaadii ugu dambeysay aheed ay aheed shirkadaha aan kor ku tilmaanay.
Marka aad xubin ka tahay HRAK, bishii waxaa bixineeysa 175 kronor kaliya.
Hadii aad shaqeeysid ama shaqo la’aan tahay, qofkaste isku lacag ayuu bixinaa.
Hadii aad qabtid su’aalo ku saabsan sida HRAK xubin looga noqdo, nala soo xariir si aan kuu caawino.
Sidee loo noqda xubin HRAK
Riix/guji ”Codso hada” si aad u bilowdid codsiga xubinimada.
Codso HadaCodsigaada ku saxiix ”e-legitimation” sida Bank-id. Codisga waa daabacan karta hadi aadan heysan e-legitimation si aad u buuxisid, kadibna boostada ku soo dirtid. Ha iloowbin in aad codsiga ku soo dirtid adresska/cinwaanka foomka ku yaal.
Foomka CodsigaHadii aad su’aalo qabtid ama aad caawimaad u bahantahay, nala soo xiriir.
Aad bogga xiriirkaSu’aalaha badan la weydiiyo
-
Hada kadib lacagta magdhowda bil ahaan ayaa loo bixin doona, Inta ayaa ka arki kartaa marka lacagta magdhowga la bixinaayo. Waxaad soo diri karta foomka la yiraahdo "Månadsansökan" bisha u quseeyo markeey dhamaato.
Magdhowga HRAK waxaa la bixin doona qamiista weekaste hadii aad sharciga hore ku jirtid wali. Hadi eey maalin gaduud/fasax tahay magdhowga waxaa la bixin doona jimcada. Hadi aad “ tidrapport” soo dirtid isniinta, magdhowga isla weekas ayaa heleysa, hadi kale weeka dambe ayaa heleysa magdhowga.
-
Wax badan oo kala duwan ayaa sameeyn karo lacagta aad heleysid. Boogaan ayaa ka aqrinkarta räkna ut ersättning. Bogaasna waxaa isticmaali karta in aad xisaabisid qiyaas ahaan lacagta aad heli donti.
Xasuusnaw in uu booga ku sheegaayo qiyaas ahaan kaliya, ma ahan go’aan.
-
Si aad u buuxisid/ka soo baxdid sharuuda mushaarka, mushaarkaada 12ka bilood ka horeeyo bisha kowaad aad magdhowga dalbaneeysid waa in uu gaaro ugu yaraan lacag go’an. Mushaarkaada waa in uu gaara ugu yaraan:
12ka bilood magdhowga lagu xisaabinaayo waa in uu mushaarkada guud gaaro ugu yaraan 120,000 kronor.
Mushaarkaada gaaro 11, 000 kronor ama ka badan ugu yaraan 4 bilood
Dhererka muddada magdhowga waxaa go'aamiyo, bilooyinka mushaarkada guud ugu yaraan gaaro 11,000 kronor:
11 bilood ama ka badan hadii uu mushaarkada gaaro 11 000 kronor: 300 maalmood oo magdhow ah.
8-10 bilood hadii uu mushaarkada gaaro 11 000 kronor: 200 maalmood oo magdhow ah.
4-7 bilood hadii uu mushaarkada gaaro 11 000 kronor: 100 maalmood oo magdhow ah.
Haddii mushaarkaada guud 12ka bilood ee la soo dhaafay uusan gaarin 120,000 kronor, lakiin mushaarkada 4 bilood isku xigoto ugu yaraan gaaray 11 000 kronor, waxaad heli kartaa magdhow muddo 66 maalmood ah.
Dhirirka xubinnimadu waxay saamayneeysa heerka magdhowga
Heerka magdhowga aad xaq u leedahay waxay ku xidhan tahay inta aad xubin ka ahayd a-kaasada. Heerarka magdhowga waa:
80%: Haddii aad xubin ka ahayd ugu yaraan 12 bilood.
60%: Haddii aad xubin ka ahayd 6-11 bilood.
50%: Haddii aad xubin ka ahayd 5 bilood ama ka yar.
Heerka magdhowga waxaa la dhimaa:
100 maalmood ka dib, heerka magdhowga waxaa la dhimayaa boqolkiiba 10.
200 maalmood ka dib, hadanah waxa la dhimay boqoolkiba 5.
Sharciga cusub, sida sharciga hore magdhowga xad ayeey leedahay, sharciga cusub ee caymiska shaqala'aanta wuxuu magdhow siinayaa mushaarka ilaa 34 000 kronor.
-
Dhererka muddada magdhowga waxaa go'aamiyo, bilooyinka mushaarkada guud ugu yaraan gaaro 11,000 kronor:
11 bilood ama ka badan hadii uu mushaarkada gaaro 11 000 kronor: 300 maalmood oo magdhow ah.
8-10 bilood hadii uu mushaarkada gaaro 11 000 kronor: 200 maalmood oo magdhow ah.
4-7 bilood hadii uu mushaarkada gaaro 11 000 kronor: 100 maalmood oo magdhow ah.
Haddii mushaarkaada guud 12ka bilood ee la soo dhaafay uusan gaarin 120,000 kronor, lakiin mushaarkada 4 bilood isku xigoto ugu yaraan gaaray 11 000 kronor, waxaad heli kartaa magdhow muddo 66 maalmood ah.