Khaladaadka Caadiga ah
Waa muhiim in aad si sax ah u buuxiso codsigaaga bishii. Sidaas darteed waxaan soo ururinnay tusaalooyin khaladaadka caadiga ah, si aan u sahalno in aad sax sameeyso. Haddii aad wax ka shakisantahay, waa inaad nala soo xiriirtaa.
Khaladaadka ugu badan oo lala kulmo
Barnaamij
Barnaamij ayaa ka qaybgalay iyadoo uu ka diiwaangashan kaliyah Arbetsförmedlingen in, waa khalad caadi ah oo dad badan sameeyaan
Waa inaad buuxisaa inaad ka qaybgashay barnaamij haddii mid ka mid ah kuwan uu ku quseeyo:
Waxaad ka qaybgashaa barnaamij ah arbetsmarknadspolitiskt program.
Arbetsförmedlingen waxaad ku heyshay tababar-shaqo (praktik).
Arbetsförmedlingen waxaad ka heshay barnaamij kale oo diyaarin ah.
Dakhli
Mushahar khaldan waa khalad kale oo caadi ah aan aragno.
Sababtu waxay noqon kartaa in qofku sheego mushaharka canshuurta ka dib, lacagta gasha akoonkiisa, halkii uu sheegi lahaa mushaharka inta canshuurta laga jarin.
Waa inaad:
Sheegto mushaharka bisha canshuurta inta la jarin ka hor
Si buuxda u hubto mushaharka bisha
Haddii aad ka shakisan tahay mushaharka aad heli doonto, waxaan kugu talinaynaa inaad sugto oo aadan soo dirin codsigaaga bishii(Månadsansökan) ilaa aad ka heshid warqadda mushaharka (lönespecifikation) ama shirkada uu gudbiso Skatteverket mushaarka aad heli doontid.
Fasax Waalidnimo
Waa inaad sheegto fasaxa waalidnimo xitaa haddii:
Fasaxu ku beegmo Sabti ama Axad
Aadan codsan mushaharka waalidnimo (föräldrapenning) ama aadan wax lacag ah ka helin
Waa inaad sidoo kale buuxiso maalmaha heerka ugu hooseeya (garantidagar) oo aad ka qaadanayso Försäkringskassan.
Haddii aad fasax waalidnimo oo buuxa ku jirtid, aguma xisaabinayo inaad tahay shaqo-la'aan, waana inaad taas u sheegtaa Arbetsförmedlingen.
Waxbarasho
Caadi ahaan ma heli kartid magdhawga a-kassa marka uu waxbarasho ku jiro, laakiin waxaa jira marmar aad lacag magdhawga akassa heli karit markaad waxbarasho ku jirtid. Waa inaad nala soo xiriirtaa haddii aad rabto inaad waxbarasho bilowdo inta lagu jiro muddada aad lacagta qaadanayso. Markaas ayaan tijaabin karnaa haddii mid ka mid ah waxyaabaha laga reebay ay ku khuseeyaan.
Haddii aan ansixinay waxbarashadaada, uma baahnid inaad ku sheegto waxbarashadaada codsigaaga billaha ah.
Haddii aanan ansaxin waxbarashadaada, waa inaad buuxisaa inaadan raadsan karin ama qaadan karin shaqo.
Jirro
Qalad caadi ah ayaa ah in aan xanuunka si sax ah loo sheegin. Tani waa waxa khuseeya:
Haddii aad codsatay lacagta jirrada (sjukpenning) oo aad ka doonaysay Försäkringskassan, waa inaad sheegto adigoo ku jawaabaya "haa" su'aasha ah in aad magdhow ka codsatay Försäkringskassan. Ka dib waxaad buuxisaa maalmaha aad codsatahy sjukpenning.
Haddii aad xanuusatay adoon codsan sjukpenning, waa inaad ku jawaabtaa "haa" su'aasha ah in ay jiraan maalmo aadan raadsan karin ama qaadan karin shaqo, tusaale ahaan safar, joogitaan dibedda ah, ama sababo kale oo shakhsiyeed. Ka dib waxaad buuxisaa maalmahaas.
Haddii aad heshid mushaarka jirro (sjuklön), waa inaad sheegto lacagta/mushaarka aad heshay.
Khaladaad kale oo caadi ahaan lala kulmo
-
Haddii aad soo dirto codsi bishii, waxaa lagu weydiin doonaa in aad shaqaysay bisha uu codsigu quseeyo. Waxaa sidoo kale lagu weydiin doonaa in aad dakhli heshay bishaas.
Bogga Månadsansökan ayaa wax badan ka akhrin kartaa waxa quseeyo sida loo buxiyo musharka.
Warbixin waqti (tidrapport) ma samaysaa?
Markaas waa inaad sheegto in aad shaqaysay toddobaadka uu codsigu quseeyo. Tani waxay sidoo kale khusaysaa xitaa haddii aad hesho mushaarka shaqadaas waqti dambe. Tusaale ahaan, haddii aad shaqayso toddobaad bisha Ogosto laakiin mushaharka ku heshid Sebtembar, weli waa inaad shaqada ku sheegto tidrapportka toddobaadka Ogosto.
-
Codsigaaga bishii waxaa lagu weydiin doonaa, ma jiraan wax ka hor istaagtay raadinta ama qaadashada shaqo ama sababo la xiriira, tusaale ahaan safar dibedda ah. Haddii aad joogtay waddan kale bisha uu codsigu quseeyo, waa inaad ku jawaabtaa "haa".
Waa inaad buuxisaa maalmaha aad dibedda joogtay.
Bogga Månadsansökan ayaa ka akhrin kartaa sida aad sheegi laheed joogitaanka dibedda.
Caadiga ahaan, xaq uma lihid magdhow maalmaha aad dibedda joogtay. Marka aad buuxisid sababta joogitaanka dibedda, waxaan tijaabin doonaa xuquuqdaada magdhowga.
Ma warbixin waqti (tidrapport) samaynaysaa? Markaas waa inaad dooratid "ma qaadan karo shaqo"(Kan inte ta arbete) maalmaha aad dibedda joogtay.
-
Codsigaaga magdhowga waxaa lagu weydiinaya in aad shaqo qaadan kartid iyo aad rabtid inaad qaadatid. Haddii aadan haysan ogolaansho shaqo (arbetstillstånd), waa inaad buuxisaa inaadan qaadan karin shaqo. Waa inaad sidoo kale isla markiiba nala soo xiriirtaa oo aad noo sheegta.